Gabay


GABAY

DEYN HADUU
KUGU RAAGO   IYO DIYADA WAA LA BAXSHAA 

Gabaygan oo ka hadlaaya
Quursiga iyo hayb sooca soomaalidu ku hayso qaybo ka mid ah
bulshadeeda wuxuu cismaan daahir ka tiriyey shirweynihii kowaad
ee Quursigu qiil ma leeyahay U.S.A 1 ee lagu qabtay jaamacda
Minnesota

·                    
Taariikhdu markay ahyd 05/31/04  wuxuu yiri                    

  • Dulku
    neeflaha aadmi     qofka uu derejeeyee
  • Weligii ka
    danbeeyee      Derbiyo taalo xasuus ah
  • Daabad ay u
    dhisaan      Waa daryeel qofka keena
  • Wax dadkiisu
    aayo         Inana waa dabci yaab lehe
  • Ruuxaasaynu
    duraayo     Dhamaanteen ka didnaa
  • Dhaqankeeniyo
    diinta       Kuwo aan dir wadaagno
  • Daladii
    nolosheena           Iyo dugsigeena ahaa
  •          
    Oo     Daqiiqad aan laga maarmin
  •  
  • Birta duuban
    xadiidka      Nimankii dildilaacshey
  • Mindi daab
    gudinta          Hubka la isku difaaciyo
  • Nooga yeelay
    dugaal       Dadabtii gurigeena
  • Dusuud dhoobo
    ah weel   Kuwii daabaca keenay
  • Intii aan dun
    xariir ah       Iyo maro duudka la saaro
  • Dawaarka aan
    la aqoon   Kuwii saamaha deebshey
  • Ee dirayskii
    dhuuga ahaa  Iyo kabo aan lagudaalin
  • Ka sameeyey
    dambiil      Dadku uu wax ku qaato
  •  
  • Digtoorka
    maanta hortiina  Dabiibkeena ahaaye
  • Qofka uu
    dakhar gaadho     Kan laftiisu dilaacdo
  • Ama ay kala
    duusho          Dalqadaa cunaha iyo
  • Midkay doogi ku
    taal          Dab ruuxii ku gubta
  • Umushii dihan
    wayda         Maska duuban abeeso
  • Midkay saarto
    dibnaha       Ee micidooda daraan
  • Sune diiniya
    weeyee          Da,yartii la gudaayo
  • Dul ahaan
    cudur oo dhan    Daweynaayey bukaanka
  •  
  • Baa halkii ay
    dalacaad        Iyo derejo ay sugayeen
  • Baa dedaalkay
    na tareen     Iyo farsamadii lagu deyrshoo
  • Lagu
    daabaqadshoo            Nasabkood ku duray
  • Gaalka diirka
    cad iyo          Afikaan dul madow oo
  • Daymuu ay ka
    naxaan        Baa laga door bidayoon
  • Hablihii ku
    daray                Gun weeyaan dabato ah
  • Ma geyaan
    dumarkeena      Dalka qayb kuma leh
  • Baa jiil jiil
    udardaarmay       Oo dariiq bay noqotay
  •  
  • Xumaantaa qof
    ka diira        Oo ka digiigixanaaya
  • Ay
    dareenkiisa dhibayso     Oo diiday maynu lahayne
  • Waa la
    daawanayoo           Siday diintu banaysay
  • Ayaa daw laga
    yeeshoo      Qiil baa loo daydayaayey
  •  
  • Afartaa dada
    maanso          Dulmi uu jahli keenay
  • Oo laga
    yeeshay dabeecad  Iyo distoor aan ku dhaqmayney
  • Daaha saw kama
    qaadin      Haduu deyn kugu raago
  • Iyo diyada waa la
    baxshaaye  Toobad yaa u diyaar ah
  •            
    Oo cafis doonaya maanta
  •  
  • Doqon baan
    kala saarin           Darib ruuxa ku sooray
  • Iyo hadhuubka
    ka daadshee     Madaxaa igu daaleye
  • Su,aalahan
    bal dayoo              Umaddan aynu dir soocnay
  • Ee xaqii
    daayinku siiyey          Iyo sharaftii laga diiray
  • Maxaa loo
    durayaayoo            Duudsiga loogu hayaa
  • Shiikh
    daliilka Qur,aanka         Aayadii dabakhaayoo
  • Ficilkii ku
    daraaya                  Cid ka daaya tiraahda
  • Wax yaqaan
    damqanaaya       Duq maxaynu u weyney
  • Nin door
    beeshu u aydo          Bulshadu daalinsanaa
  • Oo
    damaacisanaa                  Dabeecadeedu xumaayoo
  • Damiirkeedu
    yaraa                 Meeday diinti Islaamka
  • Iyo
    dardaarankii Nebiggeenn CSW   Sinaantay dalbayeen
  • Ma caadaan
    derejaynoo          Kitaabkii laga doortay
  •  
  • Iney duul
    naga gaara              Iyo dool shisheeye yihiin
  • Dani kii ka
    qaboow                Bal duunkaaga qiyaas
  • Dahrigaagiyo
    muuqa             Isku daawo muraayad
  • Kuwan aad ka
    didaysona      Dul iyo baar bal u eeg
  • Ma haysaa
    duwanaan           Astaan daabac u gaar ah
  • Dadka aad
    kaga soocdo        Dabuubtaa hadalkeena
  • Iyo
    qalbibigaa kala doorsan    Dibindaayo Islaan
  • Iyo dafiraada
    xaqiisu              Waa wuxuu degelkeena
  • Dabku uu uga
    qiiqayee           Ma huraanka is dooxay
  • Iyo deriskaa
    kala yaacay        la isu soo duwi waayey
  •  
  • Afartaa dada
    maanso             Dulmi uu jahli keenay
  • Oo laga
    yeeshay dabeecad     Iyo distoor aan ku dhaqmayney
  • Daaha saw kama
    qaadin         Haduu deyn kugu raago
  • Iyodiyada waa
    la baxshaaye    Toobad yaa u diyaar ah ?

  •                   Oo cafis doonaya maanta ?
  •  
  • Dihaalkaa
    hadhi waayey           Darkii uu ka bilaabmay
  • Iyo doorki uu
    ku sinaa              Waxa daanada keenay
  •  Ee
    dawgalkeedu ahaa             Iyo bulshadan aynu dir soocnay
  • Dad ciday ka
    yihiin                  Iyo taariikhdooda dednayd
  • Anaa diirka
    ka qaadi                Oo ku sameeyey daraasad
  • Oo dushaan
    soo dhigayaaye     Cadayntaa qofka diidan
  • Iyo kan
    daliil u rabaw                Dareenkaaga su,aasha
  • Ha la daahine
    sheeg                 Kuwan aad durkinaysee
  • Nasabkooda
    durayso                Dad soomaaliya weeye
  • Waxba keen
    iska doorin            Duudsigaynu ku hayno
  • Iyo duruuftaa
    kulmisee               Dir qabiil wada sheegta
  • Oo duud
    awoowe wadaaga         Duriyad waaxid ah ma aha
  • Abtirsiinta
    docdeeda                  Sida beesha direed
  • IYO hawiyaa
    deexda ku foofa      Digilkaa miriflaa
  • Daroodkay la
    mid yihiin              Inaba haybta duq gaar ah
  • Bay
    dungigiisa gashaayo            Dusha ay ka taqaan
  •  
  • Xadaarad aad
    u da,weyn             Baa dabada ay ku hayaanoo
  • Sancadaa u
    daliil ah                   Dawladii weeye islaamka
  • EeGuray
    daadihinaayey              Ragii diinta difaacey
  • Iyo waa
    dagaalyahano                 Nimankii diriraayey
  • Ee daacufley
    xabashi                  Dab iney shidato
  • Iyo deganaan
    uga dhaartey          Ee daribta ceedhin ku siiyey
  • Daalinkii
    boortaqiisku                  Markay soo dugsiyeenee
  • Daljirkii
    horkacaayey                   Iyo axmed ay ka dileen
  • Baa ciidankii
    kala daatoo             Dabin ay ku dhaceen
  • Waqeed dawlad
    jabtaa                 Isticmaar dibedeed
  • Iyo dilaal
    hoos ku nabnaa             Oo daciifkeeda sugaayey
  • Iyo
    dibidaabyo ma weydee             Dacaayad baa laga faafshoo
  • Ragii duubka
    xidhnaa                    Diktaatoorid weeye
  • Diigaanyo aan
    wax hambayn          Iyo diirataa lagu sheegay
  • Gumeystaa ka
    danbeeyee             duulaan baa lagu qaaday
  • Deyr intii
    lagu ooday                      Baa biyo ay dejiyaan
  • Iyo dacaamkii
    laga dhaarshoo         Dacdaray u dhinteen
  • Midgo waa la
    duwoo                       Macnihii baa laga doorshee
  • Waa mid baa
    naftu deysay              Oo darkaasay ku baxday
  •  
  • Afartaa dada
    maanso                      Dulmi uu jahli keenay
  • Oo laga
    yeeshay dabeecad              Iyo distoor aan ku dhaqmayney
  • Daaha saw
    kama qaadin                  Haduu deyn kugu raago
  • Iyo diyada
    waa la baxshaaye            Toobad yaa u diyaar ah?

  •                           Oo cafis doonaya maanta
  •  
  • Maansadu yey
    iga duuline            Hal dardaarana hooya
  • Hadaynaan
    isku duubni                Doc aan loo wada jeensan
  • Godobta duuge
    dhexdeena           Iyo walaalkeen daqarkiisa
  • Nabarka
    Doogta xanuunka            Dabiibkeeda la raadin
  • Bulshadan
    deyrka ku oodan           Takoorka aan lga deynin
  • Lana siinin
    daryeel                       doorka ay mudan yihiin
  • Saamaxaad ka
    dalban                  Dadkoo ay dhex galaan
  • Weligeen dar
    caleen leh                Iyo duda khayr degi mayno
  • Oo hada waynu
    daciifnee             Dabar go, baa xigi doona

  •                         Aan labada daarba ku seegno
  •  
  • Denbigaad
    qirata baa                 Dafiraada ka roone
  • Daaci shiikh
    culimooy                Waa inaad dacwadiina
  • Ficil aad ku
    dartaan                 Wixii haysta digriiyoow
  • Qalinkiina ku
    deeqa                  Barihii dugsigow
  • Da, yarteena
    hanuuni                Dhalinta duubiga xooglaay
  • Ka diqooda
    xumaanta                Oo ka fogaada dir sooc
  • Dumarka
    hooyada raaska            Ubadku ay ku daydaaney
  • Darka hoose
    yegleela                  Daldaloolada awda
  • Duqaydii
    dhaqankaay                  Waa amaano dushiin ah
  • Iyo dakano
    aan hadhi doonin       In badan baydin dedeene
  • Dabka naarta
    cadaabta              Iyo daayinkay ka cabsooda
  • Oo xaqa
    diirka ka qaadoo            Ku dedaala sinaan
  • Nin damiir
    leh dareen                  Diric geesi halyey
  • Iyo daljir daacad
    ahow               Isu taaga dagaal
  • Aad dar ilaah
    u gashaan               Hal abuurada deexdow
  • Dibnihiina
    furoo                           Dulmigaa ka hadla
  • Oo bulshada
    dawga wanaasan       Iyo u tilmaama dariiqa
  • Ana waa igu
    docdayda                  Caadadaa duminteeda.
  •  

WA BILLAAHI
TAWFIIQ
 Osman Dahir
[email protected]

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *